Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, iyada oo askar hor leh geysay deegaannada gobolkaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Maamulka Puntland ciidamo geeyay degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan lagu xoojisey kuwo kale oo ku sugan yihiin wafdi sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Magaalada Ceelbuh ayaa waxaa ka socda abaabulka kulan ballaaran oo ay yeelanayaan bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiin heer gobol iyo Federaal, kaasi oo looga arrinsan doono dhismaha Dowlad gobolkeedka SS Khaatumo.
Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa waday dadaalo lagu dajinayo xiisadda, iyaga oo la hadlay mas’uuliyiinta hor kaceysa oo uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirishiid Cawl.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…