Puntland oo 50 ruux oo Ethiopian ah dalkooda dib ugu celisay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleed Puntland ayaa dib u celisay in ka badan 50 ruux oo muhaajiriin Ethiopian ah, kadib markii ay iskood isku diiwaan-geliyeen in dalkooda lagu celiyo.

Muhaajireen ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana laga dejiyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Diyaarada qaadaysay dhalinyaradaan Ethiopian ah ee Boosaaso laga dhoofiyay Shalay.

Wasaaradda ayaa sheegtay  in dadkan oo ka koobnaa rag, dumar iyo carruur, la mariyay  nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta muhaajiriinta, islamarkaana ay dhammaantood raalli ku ahaayeen in dalkooda loo celiyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Puntland oo dhalinyaradaan Ethiopian ah Diyaarad ka saaraya Goroonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Muhaajireentaan u dhalatay Ethiopia ayaa ka xoogsan jiray gudaha Maamulka Puntland sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha Puntland haatana ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo sidaasna ay u dhoofeen.

Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo galaya  gudaha Puntland.

 

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

2 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

10 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago