ARAGTIDA DADWAYNAHA

Puntland; Loollanka Awoodda iyo Mustaqbalka Federaalka

Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa muddo dheer ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo soo noqnoqday, kaas oo mararka qaar ka gudbay muran siyaasadeed oo qura una gudbay loolan ku saabsan awood qeybsiga khayraadka, dheelitirka siyaasadeed ee dalka, dastuurka iyo jihada uu dalku aadayo. Puntland oo ah maamulkii koowaad ee qayb ka noqda nidaamka federaalka ah ayaa maanta wajahaya cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah. Su’aashu waxa weeye maxaa Puntland ka dhigaya goob si weyn loogu loolamo, maxayse dowladda dhexe ka doonaysaa, Puntlanse maxa ay u heli la’dahay ciidamo miidaysan?

Sidee Puntland ku dhalatay?

Hilaadii 1998 waxa Garoowe lagu yagleelay dhismaha dowladgoboleedka Somaaliyeed ee Puntland, oo ay qayb ka ahaayeen gobollada; Bari, Sanaag, Nugaal, Mudug, Sool iyo degmada Buuhoodle, Somaaaliya oo xilligaas wajahaysay dagaalo sokeeye oo daran, hubka oo galay gacanta shacabka iyo qabaa’ilka oo si daran ugu hardamayay awoodda ayaa sababay in ay Puntland ka dhalato gobolladii burburkii kaddib la odhan jiray Waqooyi Bari oo lagu daray Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, waxaana udub dhexaad u ahaa kala nabad gelidda bulshada ku wada nool gudaha gobollada lagu dhisay iyo in ay helaan maamul  ilaaliya xuduudaha dhulkooda.

Sida ku cad axdigii kowaad ee Puntland lagu dhisay, Garoowe waxa ay baadigoobaysaa sidii lagu heli lahaa dowlad Somaaliyeed oo federaal ah, oo aysan awooddu oolin halmeel taas oo cadaynaysa in ay Puntland raadinayso nidaam awooduhu qaybsan yihiin. Puntland ayaana sidoo kale siyaabo kala duwan u taageeraysay dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soo maray dalka, sida dowladdii Cabdulaahi Yuusuf oo ay siin jirtay kab dhaqaale iyo taageero ciidan ilaa laga soo gaaray xiligii ay Muqdisho ka baxday kumeel gaarka, kolkaas oo uu xoogaystay khilaafka u dhaxeeya Garoowe iyo Muqdisho.

Kolkii ay dowladda Somaaliya ka baxdey kumeel gaarka ayna dhalatay dowladda Federaalka ah sannadkii 2012, waxaa xoogaystay khilaafaad iyo hardan udhaxeeya maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka, kuwaas oo ay u waaweynaayeen qaybsiga khayraadka, dadaajinta awoodda iyo dhulka oo ahayd mushkiladii uweynayd ee xiligaas, hardanka labada maamulna waxa uu soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo ay sanadahaas dowladda federaalku ay qayb kamida ka dhistay maamulka Galmudug, Puntlandna ay qaadacday dhismaha maamulkaas sidoo kalena ay xiriirki wada shaqayn ujartay dowladda federaalka ah Diiseembar 31, 2014, laba sano kaddibna waxaa ka dhashay magaalada Gaalkacyo dagaalo sokeeye oo u dhexeeyay Galmudug iyo Puntland, Garowena wax ay ku eedaysay in ay dagaalka hurinayso Dowladda Federaalku, tan iyo xiligaasna khilaafku hadba meel ayaa uu soo taagna.

Muxuu yahay doonista Dowladda Federaalku?

 Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud yimi Villa Somaaliya May 15, 2022, waxaa uu in badan ku dooday in dalku aadaayo doorashooyin qof iyo cod ah oo awoodda dib loogu celinayo dadka iyo in dastuurka la dhammaystirayo lagana gudbayo marxaladdii qabyo qoraalka, taas oo ay Puntland walaac ka muujisay bilowgii horeba. Dowladda Federaalka dhinaceeda waxa ay arrintan ku fasiraysaa in aanay ahayn loollan lagu wiiqayo Puntland, balse ay tahay dadaal lagu dhisayo dowlad federaal ah oo leh awood qaran oo mideysan, dastuur dhammaystiran iyo ciidan qaran oo ka madax bannaan maamul-goboleedyada. Muqdisho waxay sidoo kale ku doodaysaa in doorashada qof iyo cod iyo dhamaystirka dastuurku ay yihiin tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda shacabka iyo hay’adaha qaranka.

Puntland se waxay arrintan u aragtaa si ka duwan. Waxay ku doodaysaa in isbeddellada dastuurka iyo qaabka loo wajahayo awood-qaybsiga ay dowladda dhexe siinayaan awood ka badan tii lagu heshiiyay, taas oo dhaawici karta mabda’a federaalka iyo awoodaha dowlad-goboleedyada.

Maarso 4, 2026, labada gole ee baarlamaanka ayaa ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurkii kumeelgaarka ahaa, sidoo kale waxa ay ansixiyeen  lix qodob oo ku kala jira cutubyada 2aad iyo 4aad, kolkaas gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay wax ka badalka dastuurka, isla markaana nuqulkani uu noqon doono dastuurka rasmiga ah ee dalka, 8dii Maarso madaxweynaha ayaa saxiixay. Puntland waa ay ka soo horjeesatay, waxaana ay sheegtay in ay aqoon santahay dastuurkii kumeelgaarka ahaa ee lagu heshiiyay 2012.

Tan iyo 2022 waxa la saxiixay shan heshiis siyaasadeed oo kala ah awood qaybsiga, nooca garsoorka, federaalaynta maaliyadda, doorashooyinka iyo naqshadda amniga qaranka, heshiisyadan oo asaas u noqday dib u eegista dastuurka la isku khilaafsan yahay. Puntland dhammaan waa ay qaadacday oo ma aysan saxiixin, madaama oo ay u arkaysay in ay awood badan siinayaan dowladda dhexe.

Hardanka Ciidamada

Soodhoweyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Laascanood waxa qayb ka noqday ciidamo sheegay markii koowaad in ay qayb ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka oo fadhiyadoodu kala ahaa magaaloyinka Boosaaso iyo Garoowe. Jimcaale Takar oo maamula ururka Danab ayaa xilligaas warbaahinta u sheegay in uu madaxweynihiisu yahay Firdhiye, tan iyo xiligaas kaddibna waxa iska soo daba dhacayay in ciidamo badan oo Puntland gudaheeda ku sugani ay Federaalka iska dhiibaan, dowladda federaalkuna waxa ay bilooyin dhowr ah fasaxdey mushaharaadka ciidamadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre waxa uu madal uu joogay bishii todobaad ka sheegay in ay ciidamo qoranayaan isaga oo ka jawabay hadal ka soo yeeray Puntland waxana uu yiri, “Ama diid ama yeel kun baa ka hadli, labaa ka hadli, toban kun, labaatan kun, sodon kun baanu qori waana siinaynaa xuquuqdooda, isdilaaci aduu’’.

Julay 21, Puntland ayaa jidka ka xirtay ciidamada PSF (Puntland Security Force) oo ka soo baxay magaalada Boosaaso una socday xero ay ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo, dagaal kooban kaddib waxa ay Puntland gacanta ku dhigtay 8 gaari iyo askar kooban, Ogoosto 5, 2026, Puntland waxa ay gebi ahaanba gacanta ku dhigay xeradii PSF ee Gaalkacyo, afar maalin kaddib waxa ay ciidamo ka daba gaysay ciidanka difaaca Calmiskaad oo fadhiisin ka dhigtay inta u dhaxaysay degmooyinka Rakoraaxo iyo Xumbays ee gobolka Karkaar oo ugu danbayn wada hadal isugu soo dhiibay Puntland, sidoo kale waxaa wada hadal isugu soo dhiibay Puntland ciidamo ku sugnaa Xero Istaanbuul Gaalkacayo iyo Jimcaale oo isaguna xeradii Ligle ku wareejiyay Puntland, sidaasna waxa ku soo gabagaboobay ciidamadii ku sugnaa gudaha Puntland ee ka mushahaar qaadanayay federaalka.

Maxaa loogu loollamaya Puntland?

Puntland waa maamul dhaca mid ka mid ah bogcadaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu isku xiraa labada badood ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed taas oo ka dhigan in kala bar xeebaha Somaaliya ay ku yaalaan Puntland, sidoo kale Puntland waxa ay lee dahay khayraad muhiim ah oo ay kamid yihiin dahabka, xijiga, beeraha, xoolaha nool iyo kaluunka oo uu gobolkani qani ku yahay.

Puntland waxa ay 28 sanno ee ay jirtay ilaashatay amnigeeda gudaha iyadoo maamusha inkabadan 1000 km oo si amni ah loogu safri karo gudaha dhulkeeda, waxa ay gashay dagaalo waaweyn oo ay ku wajahday ururrada Daacish iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay buuralayda Calmiskaad iyo Calmadow kuwaas oo ay qaarkood guul ka gaartay.

Bogcaddaas muhiimka ah ee ay dhacdo iyo qaangaarnimada maamul oo siinaya miisaan siyaasadeed juquraafi iyo dhaqaale ayaa ka dhigaya in Puntland ay isku aragto maamul leh awood gaar ah, ayna wajahdo loolan adag oo ka imanaya dowladda Federaalka ah ee Somaaliya tan iyo 2012.

Halka uu khilaafku salka ku hayo ayaa ah in aan weli si cad loo qeexin qaab-dhismeedka federaalka, awood noocee ah ayay dowladda dhexe leedahay, awood noocee ah ayuu leeyahay maamul-goboleedku? Inta aan su’aashaas si cad looga heshiin, loollanka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe wuxuu sii ahaanayaa mid ka weyn khilaaf siyaasadeed oo xilli gaar ah taagan, wuxuu taabanayaa qaabka ay Soomaaliya u qaybsanayso awoodda iyo mustaqbalka federaalnimadeeda.

_________________________________________________________________

W/Q: Xasan Waberi, Wariye

Gmail: Bulshaawi0575@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media.

MM Editor

Recent Posts

DFS oo beenisay in la duqeeyay Guriga Taliye Shub

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in duqayn loo adeegsaday qaraxa ka…

5 hours ago

Madaxa Golaha Madaxbannaan ee Suudaan oo tagay Eretareeya

Madaxa Golaha Madaxabannaan ee Suudaan, Janaraal Cabdilfitaax Al-Burhaan ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara EE Caasimadda…

5 hours ago

Hay’adda IOM oo dalbatay lacag ay ku maarayso dhibaatada ka dhalata Musiibada El-Nino

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka IOM kana mid ah Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa…

6 hours ago

Ciidanka Federaalka & Kuwa Koofur Galbeed oo saldhigyo cusub ka samaystay duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa saldhigyo cusub ka samaystay duleedka…

7 hours ago

Israa’iil oo howlgallo lagu xaalufinayo Geedka Saytuunka ah ka billowday Daanta Galbeed

Ciidanka Israa’iil ayaa howlgallo lagu xidido siibayo Geedka Saytuunka loo yaqaan ka sameeyay Deegaanka Arraba…

9 hours ago

Maraykanka & Turkiga oo kordhiyay duqaymaha ay ku gacansiinayaan Ciidanka Soomaaliya

Xogo la helay ayaa muujinaya in laga soo billaabo bishii March ee sannadkaan ilaa hadda…

10 hours ago