War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in duqayn loo adeegsaday qaraxa ka dhacay guriga taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dhaawac kasoo gaaray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in waxa dhacay ay ahaayeen qaraxyo ka dhashay walxo halkaas lagu diyaarinayay sida ay hadalka u dhigtay sidaasina ay ku ogaatay baaris amni oo ay ku samaysay arrintaasi.
Burbur xooggan ayaa gaaray guriga uu Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo uu ka degenaa Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan halka dhaawac kasoo gaaray qaraxaas looga daweynayo mid kamid ah goobaha Caafimaadka Degmadaas.
Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay Dowladda:
Mustaqbal
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…