GUDAHA/wararka

Labo qof oo kamid ah Dadkii lagu waayay Daadadkii Nepal oo 9 cisho kaddib nolol lagu helay!

Kooxaha Gurmadka ee loo xilsaaray raadinta dadkii lagu waayay daadadkii ku rogmaday Dalka Nepal ayaa soosaaray labo qof oo muddo 9 cisho ah ku xayirnayd god biyo mareen noqday iyaga oo nool sida ay hadalka u dhigeen.

Tani waxa ay dhalisay hadal hayn Bulsho isla markaana rajo gelisay qoysas horay uga quustay dadkooda oo nolol iyo geeri lagu waayay balse la xaqiiqiyay in ay daadadkii la tageen, waxaana ay dalbadeen in baaris lagu sameeyo dadkaas.

Dowladda Nepal ayaa mucjiso ku tilmaamtay waxa dalkeeda ka dhacay marka la eego hal guri oo daadadka ka badbaaday, duurjoog sida maroodi badbaadiyay Dad biyaha la tagay, geedo gabbaad u noqday dad badan iyo hadda oo labo qof nolol lagu helay.

Nepal ayaa raadinta Dadkaas la kaashatay Dalalka deriska la ah ee Shiinaha iyo Hindiya oo ku caawiyay khubarro ku takhasusay baadigoobka Dadka daadadku la tagaan iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay meelaha biyuhu isugu tagaan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago