GUDAHA/wararka

Maraykanka & Turkiga oo kordhiyay duqaymaha ay ku gacansiinayaan Ciidanka Soomaaliya

Xogo la helay ayaa muujinaya in laga soo billaabo bishii March ee sannadkaan ilaa hadda oo lagu jiro September 2026 ay dhaceen weerarro badan oo cirka ah oo ay fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka iyo Turkiga ee gacanta siinaya Ciidamada Soomaaliya.

Duqaymaha ayaa intooda badan ka dhacay Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Koofur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Puntland iyada oo ay ka dhasheen khasaara kala duwan oo gaaray AS iyo Daacish sida hadalka loo dhigay.

Taliska Howlgallada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in bishii March ay fuliyeen 7 duqayn, Aprir oo ugu badan weerarrada waa 12 duqayn, May 2 duqayn, June 6, July 8 iyo August oo 1 weerar ay gaysteen diyaaradaha duulliye la’aanta ah, wadarta duqaymaha Maraykanku uu fuliyay waa 36

Meelaha Maraykanka uu duqeeyay waxa ay kala yihiin, Jilib, Jamaame, Qumbi, Welmaro, Baqdaad, Farsooley, Kurtunwaarey, Mubaarak, Buuraha Golis iyo deegaanno kale oo katirsan Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa intaas dheer duqaymo Turkiga uu ka fuliyay Deegaanno u badan Koofurta Dalka waxaana kamid ah Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe inkasta oo aan tiro sugan laga soo gudbin weerarradaas inta ay gaarsiisan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in taageerada ay ka heleyso Maraykanka iyo Turkiga oo horay ugu tababaray ciidamo kumaandoos ah ay uga dhigan tahay in awoodda ciidamadaas ee dhinaca howlgallada ay sii kordhayaan maadaama cirka laga gacansiinayo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

DFS oo beenisay in la duqeeyay Guriga Taliye Shub

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in duqayn loo adeegsaday qaraxa ka…

5 hours ago

Madaxa Golaha Madaxbannaan ee Suudaan oo tagay Eretareeya

Madaxa Golaha Madaxabannaan ee Suudaan, Janaraal Cabdilfitaax Al-Burhaan ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara EE Caasimadda…

5 hours ago

Hay’adda IOM oo dalbatay lacag ay ku maarayso dhibaatada ka dhalata Musiibada El-Nino

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka IOM kana mid ah Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa…

6 hours ago

Ciidanka Federaalka & Kuwa Koofur Galbeed oo saldhigyo cusub ka samaystay duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa saldhigyo cusub ka samaystay duleedka…

7 hours ago

Israa’iil oo howlgallo lagu xaalufinayo Geedka Saytuunka ah ka billowday Daanta Galbeed

Ciidanka Israa’iil ayaa howlgallo lagu xidido siibayo Geedka Saytuunka loo yaqaan ka sameeyay Deegaanka Arraba…

9 hours ago

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta oo laga daweynayo dhaawac kasoo gaaray duqayn lagu beegsaday gurigiisa

Taliyahii hore ee Ciidanka Asluubta, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo garan ogyahay Taliye Shub…

10 hours ago