GUDAHA/wararka

Hay’adda IOM oo dalbatay lacag ay ku maarayso dhibaatada ka dhalata Musiibada El-Nino

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka IOM kana mid ah Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa dalbatay lacag ay ku sheegtay in ay ku maareyneyso xaaladaha bani aadamnimo ee ka dhasha Musiibada El-Nino.

Bayaan kasoo baxay waxa ay Hay’addu ku sheegtay in ilaa Febaraayo 2027 lasii saadaalinayo khatarta El-Nino sidaas awgeed loo baahan yahay $110 Milyan oo doollar oo degdeg ah si ay u qaaddo tallaabooyin kahortag ah.

IOM ayaa sheegtay in halista muuqata ay ku wajahan tahay Geeska, Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika oo haddii aan la helin jawaab degdeg ah oo loogu bareeri karo kahortaggeeda ay xaaladdu sii adkayn karto nolosha Dad badan.

Dadka u baahan kaalmadaan lacageed waxa ay Hay’adda IOM ku sheegtay in ay gaarayaan 4.9 Milyan oo ruux isla markaana ay suuragal tahay in tiradu intaas ka badan karto mar haddii uu dib u dhaco kaalmada kahortagga ah.

Marka la dhaho Geeska iyo Bariga Afrika labaduba waxaa soo galaya Dalal ay kamid tahay Soomaaliya sidaas awgeed meelaha ay saamaynta taban ku reebi karto El-Nino qayb ayay ka tahay sida bayaanka IOM ku xusan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

14 hours ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

16 hours ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weeraray Saldhig Ciidanka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…

16 hours ago

MW Xasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago Doorashada Qof & Codka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

1 day ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

1 day ago