Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dhinac istaagay warka kasoo baxay Mucaaradka Dowladda Federaala Soomaaliya ee Golaha Samatabixinta ayaa miiska soo dhigay doodda ay ka qabaan arrimaha la xiriira Doorashooyinka dalka.
Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in talada la wadaago oo wadatashi lagu shaqeeyo, iyada oo Dowlad-Goboleedkaas taageeray baaqa Mucaaradka ee la xiriiray Doorashooyinka Dalka.
Waxaa baaqaas dhinac istaagay Dowlad-Goboleedka Puntland oo ku baaqday in la raaco dhabbaha rasmiga ah ee lagu gaarayo Doorashooyinka Dalka, waxa ay Dowladda Federaalka usoo jeedisay in ay dhagaystato ‘Saamilayda Siyaasadda’.
Puntland ayaa ayiday si lamid ah Jubbaland warsaxaafadeedka Xubnaha Mucaaradka ah ee Golaha Samatabixinta uu kasoo saaray xaaladda Dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka iyo in miiska la dhigo talooyinka masiiriga ah.
Golaha Wadatashiga qaranka ayaa joogteeyay kulamada ay uga hadlayaan xaaladda Dalka iyaga oo dhaliil culus u jeediyay Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay soo jeediyeen in arrimaha Doorashooyinka si hoose oo wadajir ah loo eego.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…