Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua ayaa Xukumadda dalkaasi ugu baaqay in gudaha Mandheera laga saaro Ciidanka Jubbaland ee dhawaan ka soo baxay Magaalada Beledxawo ee gobolka Gedo.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in askarta Jubbaland ay dad rayid ah ku dileen deegaannada hoos yimaada Mandheera.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka la dilay ay gaaraan shan ruux, halka toddobo kalena ay dhaawacmeen, isla markaasna la dabiibayo.
Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in aan la aqbali karin in gudaha Mandheera ay wax ku dilaan ciidanka Jubbaland oo ka soo baxay Beledxaawo.
“Ciidanka Jubbaland dad ayay ku dileen gudaha Mandheera, waa in la billaabo howlgal looga saarayo gudaha Kenya” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua.
Hadalka eeda ah ee ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa ku soo aadaya xilli Askarta Jubbaland dagaal looga saaarey Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Weli maamulka Jubbaland kama hadlin eedeynta Siyaasigan hore u soo qabtay Xilka Madaxweyne ku xigeenka Kenya, isla markaasna Mucaarad ku ah Xukumadda Madaxweynaha Kenya.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…