GUDAHA/wararka

Norway oo 79 sano kaddib ku badisay in ka badan 10 gool!

Xulka qaranka Norway ayaa kulan ciyaareed kamid ah isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 uu kahortagay dhiggiisa Moldova waxa uu ku garaacay 11 gool, tani waxa ay diiwaanka ku gelisay xulkaan oo dhinaca goolal tirsiga kordhistay.

Guul tan lamid ah waxa uu xulkaan gaaray 1946dii oo 12-0 ku garaaceen dhiggooda Finland, guushii xalay waxa ay diiwaanka ku gelisay in 79 sano kaddib ay Norway shabaqa xulka kasoo horjeeda gaarsiiso in ka badan 10 gool.

Arrinta kale ee la hadal hayo waa ciyaaryahanka lagu magacaabo Erling Haaland 5 kamid ah Goolashaas xulkiisa u dhaliyay, afka hore ee Manchester City oo sanadkii hore qaab aad u liita kusoo dhammaastay ayaa naadigiisa dib ugu soo laabanaya isaga oo Norway guul u horseeday.

Haaland oo 25 jir ah waxa uu xilkiisa Norway markii ugu horraysay u saftay sanadkii 2019kii, 45 kulan ayuu shabaqa ku gaaray 48 gool, tani waxa ay daliil u tahay in uu gaari karo goolal badan marka la eego da’diisa iyo fursadaha uu haysto waa haddii aan wax isbaddelin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago