Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa kusii kordhaya dilalka aanooyinka ee lagu dilayo dadka indhaha u ah bulshada, waxaa xalay Magaaladaas dilay Allaha u naxariistee Dr Cumar Cabdi Daahir oo kamid ah dhaqaatiirka da’da yar.
Kooxda dilka gaysatay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobtu gaarin ciidamo katirsan kuwa ammaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaa socda baaritaan ay wadaan hay’adaha ammaanka Magaaladaas si ay usoo qabtaan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Waa dhaqtarkii labaad oo lagu dilayo magaalada Gaalkacyo sabab la xiriirta aanooyinka beelaha walaalaha ah ee dirirta horay u dhexmartay, laamaha ammaanka xarunta Gobolka Mudug ayaa ku howlan kulamo isugu jira wacyigelin iyo raadinta maleeshiyaadka dilalka gaysanaya.
Ma jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka oo ay ku faah-faahinayaan haddii ay heleen raadraac lagu gaarayo kooxdii dilka u gaysatay haldoorka Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug oo maamul ahaan ka dhaxaysa Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…