Norway oo 1,600 Qaxooti Soomaali ah dib u soo celineysa

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in 1,600 oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo celineyso dalka,waxaana ay dowladdu sheegtay in Soomaaliya hadda ka xasilloon tahay sidii hore.

Waaxda socdaalka Dalka Norway ayaa sheegtay in kaararka qaxootinimo lagala noqnayo dadka Soomaalida ah,iyada oo Hay’ad u dhaq dhaqaaqda Qaxootiga oo taageersan Dowladda Norway ay arrintaas diidday.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay (NOAS), ayaa diiday waxaana ay dowlada ku eedeeyeen in ay jabineyso xeerarka caalamiga ah.

Waxaa ay Hay’addan ku doodeysaa in Soomaaliya aysan wali amaan ahayn islamarkaana gaarin heer dib loogu cleiyo muwaaddiniinta Qaxootiga ku ah dalka Norway.

Dowladda Norway ayaa iska dhegatirtay baaqa Hay’adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah ee kaararka qaxootinimo ku heysta dalkaas.

André Møkkelgjerd, oo ka tirsan Hay’adda (NOAS)  ayaa sheegay in go’aankan dowladda ay Maxkamad kula tiigsanayaan islamarkaana doonayaan in arrintan wax laga qabto.

Waxaase arrintaas mar kale ganafka ku dhuftay Wasiirka arrimaha dibadda dalka   Norway Torkil Åmland ,waxaana uu ka digay Hay’adaha ka soo horjeeda dowladda in ay ka beensheegaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dowladda Norway.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

31 mins ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

3 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

11 hours ago