NISA oo sheegtay in ay xirtay nin sheegtay in uu yahay Taliyaha NISA ee Jubaland

Ciidammada Amniga ayaa soo xiray nin sameystay warqado been abuur ah, kaas oo sheegtay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranku u magacowday Jubaland.

Hay’adda NISA ayaa arrintan ku sheegtay war la soo dhigay barteeda twitter.

Saraakiil ka tirsan hay’adda NISA ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkan xabsiga la dhigay, lana baarayo sababaha ku riixay in uu sameysto warqado been abuur ah oo uu ku sheeganayo in hay’adda NISA u magacowday Jubaland.

Ma sheegin NISA Magaca qofka ay xireen iyo halka rasmi ahaan ay ka qabteen, waxaase jira in Todobaakdii hore Jubaland Kismaayo ka soo celisay Nin sheegtay inuu yahay Taliyaha Nabad SUgida Jubaland.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago