Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabbuuti; iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Jabuuti doorka horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya si gaar ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, halka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Dhankiisa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Kulanka labada Masuul ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Xasan sheikh iyo wafdigiisa ay shalay gaareen dalka Jabuuti, isaga oo halkaas kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Jabuuti.
Mustaqbal
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…