GUDAHA/wararka

Miyuu Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood u tagayaa ka hortaga aqoonsiga Somaliland?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya aay socdaal  aan ajandihiisa la shaacin ku tagi doonaan maalmaha nagu soo aadan  magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Magaalada Laascaanood oo ah magaalo ay dadkeedu si xoogan uga soo horjeedaan kala go’a  Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Booqashada la sheegay in Ra’sul Wasaare Xamse ku tagayo magaaladda Laascaanood ayaa waxa aay ku soo aadaysaa waqti xasaasi ah oo aay  soo  baxayaan warar xoogan oo sheegaya in Soomaaliland aay aqoosi ka heli karto dawlado waawayn oo uu Maraykanku ugu horeeyo.

Saxnimada wararkan ayaa aad u xoogaysatay kadib markii 16-ka bishii la soo dhaafay ee March ay soo baxday warqad  dowladda Soomaaliya u dirtay Maraykanka taas oo aay ugu balan qaadayso in ay ku waeejinayso maamulka Dekado iyo Saldhig Milatery oo stratiiji ah, halka Maraykankana laga doonayo in uu ilaaliyo midnimada dawladda kana baaqsaddo in uu  Somaliland u aqoonsaado  dawlad madax banaaan.

Magaaladda Laascaanood oo ah magaalo kaalin muhiima uga jirta midnimadda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa sababaha uu Ra’iisul wasaare Xamse u booqanayo in ay ku jiraan sababo la xiriira ilaalinta midnimadda Soomaaliya iyo ka hortaga aqoonsi uu helo maamulka Somaliland, inkasta oo aan la cadayn karin ajandaha saxda ah ee uu daaranyahay socdaalka la filayo ee Raiisul Wasaare Xamse.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago