GUDAHA/wararka

MW Burkina Faso oo Mushaarkiisa ugu deeqay Agoonta & Carruurta Darbi-jiifka ah  

Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa mushaarkiisa ugu deeqay Agoonta iyo Carruurta darbi-jiifka ah si ay helaan mustaqbal wanaagsan oo dhanka Waxbarashada ah sida lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadiisa.

Troare ayaa la kulmay qaar kamid ah carruurtaas iyo ehelkooda isaga oo dhageystay warbixin kooban oo xaaladdooda la xiriirta, kaddib waxa uu ku dhawaaqay go’aanka ah in uu mushaarkiisa ku bixiyo sidii ay u heli lahaayeen nolol ka wanaagsan tan hadda ay ku nool yihiin.

Hoggaamiyaha Burkina Faso oo ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in Dowladda ay qaadaneyso waajibka ka saaran daryeelka Aqoonta iyo kuwa dayacan ee darbi-jiifka ah oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay.

Dalka Burkina Faso waxa uu dhacaa Galbeedka Qaaradda Afrika, dadka dalkaas waxaa lagu qiyaasaa 23.55 Milyan oo ruux sida ku xusan baarista uu sameeyay bangiga Adduunka sanadkii (2024), qaar kamid ah dadkaas ma heystaan dhaqaale ku filan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago