GUDAHA/wararka

Muxuu yahay dardaaranka uu Ra’iisul Wasaare Xamsa siiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.”

Sidoo kale Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan gaar ah isugu yimid November 26, 2024-ka ayaa lagu ansixiyey Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaas oo ay horgeysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Bilowga bishaan kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Guddigaan ayaa December 2, 2024-ka waxa ay doorteen hoggaanka guddiga, iyada oo guddoomiyaha guddiga u doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka guddoomiye ku xigeenka loo doortay Saadiq Abshir Garaad.

Guddigaan oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo la yeeshay Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, ayaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud; oo doonaya in ay doorasho qof iyo cod ah dalka ay ka dhacdo, balse ay diidan yihiin mucaaradka.

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa laga sugayaa sidii ay uga shaqeyn lahayeen doorasho la wada ogal yahay, taas oo bilowga magacaabista guddigaan ay diidmo kala kulmeen mucaaradka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago