GUDAHA/wararka

 Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Talyaaniga oo ka wada hadlay arrimaha iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka  ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey sida ay Dowladda Talyaaniga door ugu qaadatay   taageerada Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo Soomaaliya.

Dhanka kale, Safiirka Talyaaniga  Pier Mario Daccò ayaa dankiisa sheegay  in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Kulankaan madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka Talyaaniga, ayaa imaanayo xilli uu maanta madaxweynaha ku qaabilay madaxtooyada, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago