Dagaal u dhaxeeya ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo garabsanaya ciidamada Itoobiya ayaa ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socda gudaha magaalada, saldhiga booliiska iyo garoonka.
Taliyaha ciidanka Nabad Sugida ee gobolka Gedo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya ay ku jiraan dagaalka ka socda gobolka Gedo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dhawaan gurmad u diri doonaan gobolka Doolow.
Dhinaca kale, Jubbaland war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in wafdi ka socda ay gaareen magaalada Doolow, isla markaasna ay ka hortageen ciidamada dowladda oo isku dayay in ay hor istaagaan.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Wuxuuna ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay wafuud kala duwan oo ka tirsan dowladda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku kala sugan yihiin degmooyinka gobolka Gedo.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…