Joseph Edlow oo ah Madaxa hay’adda Socdaalka Maraykanka ee loosoo gaabiyo USCIS ayaa sheegay in la joojiyay ogolaanshaha dalabaadka Green Card-ka ee Dadka Qaxootiga ah ee kusoo galay Dalkaas intii u dhaxaysay 20kii Janaayo 2021 ilaa 20kii Febaraayo 2025.
Dowladda Maraykanka ayaa dib u waraysaneysa dadkii qaxootiga ku galay Maraykanka xiligii Madaxweynihii hore Joe Biden uu xafiiska joogay ee haatan degen Dalkaas, iyada oo arrintaan ay walaac ka muujiyeen Soomaali badan oo Maraykanka ku nool.
Dadka diidan tallaabadaan cusub ayaa ku tilmaamay khalkal gelin dhinaca sharciga ah oo Maamulka Donald Trump uu abuurayo si uu meesha uga saaro joogitaanka Soomaalida ku nool Dalkaas gaar ahaan Gobolka Minnesota.
Trump ayaa tallaabadii tan ka horreysay uu qaaday ku sheegay in uu meesha ka saaray sharciga kumeel-gaarka ah ee Soomaalida Minnesota horay loo siiyay ee loo yaqaan TPS, waxa uu markaan soo Awr kacsaday Hay’adda Socdaalka Dalkiisa oo qaraar cusub soosaartay.
Maalin kahor dibadbax ka dhan ah go’aamada culus ee Donald Trump ayaa ka dhacay Gobolka Minnesota, waxaa ka qaybgalay dad isugu jira Soomaali & Ajaanib kale oo diidan qaraarka Madaxweynaha Maraykanka uu ku raafi rabo Bulshada Soomaalida ah.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…