GUDAHA/wararka

In ku dhow 15 kun oo Arday oo Abaar darteed Waxbarasho la’aan ku haysa Somaliland

Abaar ku dhufatay deegaannada Somaliland ayaa sababtay in ay xirmaan goobo Waxbarasho oo ku kala yaalla Togdheer, Saaxil, Sanaag & Sool, waxaana gabi ahaan albaabada la isugu dhuftay in ku dhow 150 Dugsi oo ay dhiganayeen 14,457 Arday.

Ardaydii deegaannadaas ku noolaa ayaa isaga baxay kaddib markii saamayn taban ay ku reebtay abaarta ku dhufatay deegaankooda, taasi waxa ay sababtay in haatan ay waayaan Waxbarashada maadaama ay la halgamayaan maaraynta noloshooda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Taclinta Sare ee Somaliland, Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa sheegay in abaartu ay hor istaagtay Waxbarashadii u socotay Ardayda mar haddii ay isaga tageen deegaannadoodana la xiray Iskuullada.

Guud ahaan 260 Iskuul ayuu sheegay in ay abaartu saamayn taban ku reebtay deegaannada ay ku yeellaan balse hadda ay xirmeen in ku dhow 150, halka kuwa soo haray aanay caga-badan ku taagnayn oo qudhooda xirmi kara waqti weliba sida uu hadalka u dhigay.

“Marka meel abaar ka dhacdo dadka waxa ay la guurayaan xoolahooda iyaga oo raadsanaya meel baad iyo biyo ay ka heli karaan, Ardaydu waa ay la guurayaan sidaasi waxaa ku xidhmaya goobaha Waxbarashada, meelaha ugu badan ee Abaartu saamaysay waa Gobollada Bariga Somaliland sida Saaxil, Sanaag, Sool iyo Togdheer.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo la hadlay BBC Somali.

Abaarta ka jirta Deegaanno katirsan Somaliland ayaa sidoo kale sababtay in barakaca qoysas u badan Xoolo dhaqato maadaama ay waayeen daaqsin iyo biyo ku filan, waxaana tuulooyinka qaar ay noqdeen kuwo haawanaya mar haddii ay isaga baxeen dadkii deegaanka ku ahaa.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

5 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

6 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

7 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

7 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago