Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Magaalada Adis ababa kula kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qeybgelayay shir madaxeedkii 32aad ee Miudowga Afrika.
Mr Museveni ayaa qoraal uu ku qoray Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadaha hadleen xiriirka labada dal, sidii loo adkeyn lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amaanka, xiriirka iyo waxbarashada.
Madaxda kale ee uu la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Congo, oo uu iyaguna sheegay in uu kala hadlay xiriirka dalkiisa iyo dalalka labada madaxweyne.
Uganda waxaa ay safka hore uga jirtaa waddamada Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana socda qorshe Ciidanka AMISOM looga saarayo dalka.
Museveni iyo hoggaamiyayaasha kale ee Afrika ayaa saaka isaga tagay Magaalada Adis ababa oo ay ku sugnaayeen dhowrkii habeen ee la soo dhaafay.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…