WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Muftigii Sacuudiga oo geeriyooday

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay inuu geeriyooday Shiikh Cabdilcasiis Al-shiikh oo ah Mufdigii ugu weynaa dalka Sacuudiga iyo Madaxa Golaha Sare ee Culimada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Muftiga uu door ka qaatay adeegida bulshada, cilmiga, Islaamka iyo Muslimiinta.

Geeridiisa, Boqortooyada iyo dunida Muslimka waxa ay waayeen caalim weyn oo caan ah, kaas oo door muhiim ah ku lahaa u adeegidda cilmiga, Islaamka iyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka Qasriga Boqortooyada.

Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salman ayaa tacsi u diray qoyskiisa, shacabka Sucuudiga iyo guud ahaan Muslimiinta.

Al-Asheikh ayaa xilkan loo magacaabay sannadkii 1999-kii, wuxuuna ahaa culimadii ugu sarraysay ee boqortooyada, isagoo fasiri jiray shareecada Islaamka, wuxuuna ka soo saari jiray fatwo ku saabsan arrimaha sharciga iyo bulshada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

6 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

6 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago