Maxkamadda Sare ee Kenya oo kiis argagixisanimo ah ku weysay wiilal Somali ah

Maxkamadda Sare ee Magaalada Nairobi ayaa la soo taagay 8 Qof oo lix ka mid ah ay Soomaali ahaayeen kuwaas oo loo heystay kiis la xiriira argagixisanimo.

Garsoore Michael Elubu, ayaa laalay eedeymo argagixisanimo oo ka dhan ahaa Muhammad Abdulkadir Hirsi , Muhamed Abdul Aziz Adan, Abdullahi Bootan, Hassan Abduwali Muhamoud, Muhamed Ahmed Gele, Yusuf Osman iyo Muhamad Yusuf Farah.

Garsooraha ayaa sheegay in baaris ay ku sameeyeen Raggaas ay waayeen caddeyn ku filan oo Raggan maxkamadeyntooda lagu sii wadi karo.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2014kii Al-shabab kala shaqeeyeen in ay dhallinyarada uga qoraan Kenya, Uganda iyo Soomaaliya.

Sida ku xusan Dukumiinti ay Maxkamadda la tageen Sirdoonka iyo Booliska Kenya Raggan ayaa lagu sheegay in ay xiriir joogta ah la lahaayeen Aadan Garaar oo ahaa Taliye sare oo ka tirsan Al-shabab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

2 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

10 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

10 hours ago