Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo maanta u fadhiisatay racfaan ay soo qaateen qareennada difaacaya Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo iyo saddex gabdhood ay dhashay ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah.
Dilka Hooyada iyo Carruurta oo ka dhacay deegaan hoostaga Qaayib Gobolka Galgaduud waxa ay Maxkamadda dhagaysatay Doodda qareennada difaacaya eedeesanayaasha, caddeymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaal la horgeeyay.
Gunaanadka fadhiga waxa ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud Xukun dil toogasho ah ku ridday Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, halka xabsi 5 sano ah ay ku ridday Ayuub Maxamed Cabdi.
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Galgaduud ayaa xukunkaan ku sheegtay mid caddaalad u horseeda qoyska dhibbanayaasha iyo guud ahaan Bulshada ku nool deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…