GUDAHA/wararka

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Eretareeya & Madaxa ugu sarreeya Suudaan?

Magaalada Port Sudan oo ay ku shaqeyso Xukuumadda waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dalka Eretareeya Isaias Afwerki, waxaa soo dhaweeyay Dad loo sii diyaariyay in kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka tarjumaya cilaaqaadka labada Dal.

Xiriirka Labada Dal waa Suudaan iyo Eretareeya ayaa muddooynkii dambe xooggaystay, Khartuum ayaa dhiggeeda Asmara dooneysa in ay ka dhigato isbahaysi xooggan oo ka gacansiiya ka gudubka xaaladaha adag ay wajahayso.

Afwerki iyo madaxa ugu sarreeya ee Suudaan Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo ay la socdaan wasiirro katirsan labada Xukuumadood ayaa kulamo gaar gaar ah kuwada qaatay Madaxtooyada sida kumeel-gaarka ah Dowladdu ugu shaqeyneyso.

10kii April sanadkaan, Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa booqday Dalka Eretareeya, waxaa xigay socdaal uu Ra’iisul Wasaare Dr Kaamil Idriis uu ku tagalay 9kii & 10kii Oktoobar sanadkaan 2025 Magaalada Asmara.

Suudaan oo dareemeysa culayska xooggan ee Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo iyo taageerrada ay ka heleyso Dalalka kala duwan oo Imaaraatka ugu horreeyo ayaa dooneysa sidii ay u aasaasi lahayd isbahaysi ka dhan ah culayskaas saaran.

Eretareeya oo qudheeda dareemeysa culayska dhinaca Itoobiya uga imaanaya ayaa dooneysa in ay muujiso galaangalka ay ku leedahay dalalka qaar sida Suudaan oo xuduud la leh Itoobiya sida ay u muujiso saaxiibtinimada kala dhaxeysa.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

14 hours ago