Maxkamadda Ciidanka Puntland oo xukun ku ridday rag lagu eedeeyay Al-shabab iyo Daacish

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Maamulka Puntland ee Shanta Gobol ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabab iyo Daacish.

Saddex ka mid ah Ragga la soo eedeeyay ayey Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah,kuwaas oo mid Daacish ka mid ahaansho ku eedeeysanyahay halka labada kalena lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa saddex Nin oo kale ku xukuntay Xabsi daa’in,waxaana ay ku eedeysanyihiin ka mid ahaanshaha Al-shabab iyo Daacish.

Maxkamadda ayaa aqbashay in baaritaan xaafimaad lagu sameeyo mid ka mid ah dadka eedeysanayaasha ah,waxaana sidaas codsaday qareenkiisa.

Magacyada dilka lagu xukumay.

Xassan Laamow Aadan katirsan  Daacish, Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim, katirsan Al- shabaab

Magacyada xabsi daa’inka lagu xukumay.

Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar ka tirsan Alshabaab

Magaca caafimaadka loo diray.

Xasan Maxamed.

Laba xidigle Maxamed Jaamac, oo ka tirsan Ciidanka Puntland dilna ku eedeysan ayey Maxkmaadda sidoo kale ku xukuntay shan Sano oo Xabsi ah iyo bixinta Magta qofkii uu dilay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

12 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

13 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

15 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

15 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

17 hours ago