Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa si adag u cambaaareeyay dhalinyarro dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo baahiyay muuqaalada iyagoo ku istaagaya calanka Kenya.
Danjire Jabriil ayaa sheegay in falkan uu dhacay xilli ay soo dhammaatay ciyaartii u dhaxeysay Kooxaha Kenya Police FC iyo Mogadishu City Club oo ka qabsoontay Garoon ku yaalla magaalada Nairobi.
“Waxaan si cad u cadeynayaa inaan ka xunnahay ficilka ay ku dhaqaaqeen laba wiil oo ka soo jeeda dalkeena, runtii dhacdaasi marna hoos uma dhigi doonto xiriirka nagala dhaxeeya Kenya” ayuu yiri Danjire Jibriil.
Dowladda Kenya iyo Shacabka dalkaasi ayaa ka carooday falkaasi, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay baarayaan ayna ka dhalan karto ciqaab.
Ciyaarta u dhaxeysay Kooxaha Kooxaha Kenya Police FC iyo Mogadishu City Club ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo rabshad, waxaana 3 iyo 1 looga badiyay kooxdan mataleysay Soomaaliya ee MMC.
Lugta labaad ciyaarta oo ka tirsan Champions Leage Afrika ayaa la filayaa in la dheelo Axadda soo socota, balse si kasta waxaa soo baxeysa Kooxda Kenya Police FC, marka la eego ciyaarihii hore.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…