GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh walwal maku haysaa in markale dib loogu noqda Teendhada?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aadan in markale dib loogu laabto Teendhada, oo laba mar lagu doortay.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in uusan cabsi ka qabin in looga adkaado markale Teendhada, isaga oo sheegay in uu doonayo in dalka uu maro waddo saxan, xilli uu ka soo kabanaya amni darro iyo dhaqaallo darri muddo la daalaadhacayay.

“In aan Xafiiska ka tago walwal iguma hayso, aniga in la’iigaaga adkaado doorashada waxba kama qabo, dalkaan waxaan rabaa in uu waddo saxan maro, haddii dalka uu waddo saxan maro aniga aan irida ka baxo shalay diyaar ayaan u ahaa oo waan sameeyay, maanta diyaar ayaan u ahay oo waan sameenayaa,” sida uu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in uu la socda waqtiga uga haray muddo xileedkiisa, balse waxa uu sheegay in xilliga aan xilka baneenayo ay ka imaan karaan dodo, taas oo muujisay  suuragalnimada in ay dhacdo muddo kordhin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaan wajahaya cadaadis uga imaanaya mucaaradka; oo diidan habka ay Villa Somaliya ku wajahayso doorashada soo socota, iyaga oo miiska soo saaray qodobo ay ku diidanyihiin Xukuumadda hadda jirta.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago