Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdadii Saldhiga Warta Nabadda ee dhexmartay Ciidamada Amniga iyo Askarta taabacsan Xubnaha Mucaaradka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Saldhiga Booliiska Warta Nabadda uu sababay in ay xabsiga ka baxsadaan xubno ku eedeysan dambiyo culus.
Sidoo kale, Booliiska ayaa sheegay in ay dagaalka sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey Maxaabiista iyo Askarta ilaalineysay Saldhiga Warta Nabadda.
Bayaanka Booliska ayaa waxaa sidoo kale loogu digay Xubnaha Siyaasiyiinta ee adeegsanaya hubka culus iyo gaadiidka dagaalka dowladda, si ay ugu dhibaateeyaan dadka rayidka ah.
“Booliska Soomaaliyeed wuxuu shacabka uga digay in ay dhex milmaan kooxaha ujeedkoodu yahay carqaladaynta amniga dalka, iyaga oo fursad u abuura maleeshiyaadka” ayaa lagu yiri Bayaanka Booliiska.
Hadalka Booliiska ayaa ku soo aadaya xilli Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Is rasaaseynta u dhaxeysay Ciidamada Amniga iyo Askar taabacsan Xubnaha Mucaaradka ee ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaareyaal hore, Maxamed Xuseen, Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xubnaha Mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in la soo weeraray, iyagoo dhageysanaya cabashada bulshada, tillaabadaasina aan la aqbali karin.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…