GUDAHA/wararka

Duqa Muqdisho oo digniin u diray Xubnaha Mucaaradka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa, Dr Xasan Mungaab ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ay xubnaha Mucaaradka ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo dhacdadii Saldhiga Warta Nabadda.

Mungaab ayaa xusay in aan dhiiga shacabka Soomaaliyeed xukun lagu gaari karin, isagoo sheegay in ay khalad aheyd saldhig booliis oo

“Saldhigii wardhigley in Dhashiikeyaal ayaa la soo istaaga oo maxaabiista ayaan ka deyna wax la aqbali karo maaha, sidaasi kursi laguma helo” ayuu yiri Mungaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay la socdeen dhaqdhaaqyada Mucaaradka iyo meelaha ay doonayeen in ay tagaan oo kamid ahaa Tarabuunka, Siinaay iyo goobo kale, balse ay ka hor tageen laamaha amniga oo xilligaasi diyaar ahaa.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Xubnaha Mucaaradka ay sidoo kale jabiyeen Xeerka Xakameynta Hubka, iyagoo qoryo waa wayn la tagey Saldhiga degmada Warta Nabadda.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Is rasaaseynta u dhaxeysay Ciidamada Amniga iyo Askar taabacsan Xubnaha Mucaaradka ee ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaareyaal hore, Maxamed Xuseen, Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago