GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Newyork kula kulmay Dhaxal Sugaha Kuwait

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, xilli uu socdo shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan taageerada Soomaaliya ee maalgalinta iyo mashaariicda.

“Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi ah oo wax tar u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii adkeeyo wada shaqeynta iyo in la horumariyo fursadaha iskaashiga ee dhinacyada kala duwan.

Waa kulankii labaad ee maalmo gudahood yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhaxal Sugaha Kuwait, is arragii koowaad ayaa qabsoomay intii uu socday Shirkii Dooxa.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago