Mucaaradka dowladda ayaa ku dhawaaqay maalinta Sabtida ee todobaadka soo socday in ay qaban doonaan Banaanbax Nabadeed oo ay uga soo horjeedaan dhulka dowladda ee laga kiciyay shacabka, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ay socotay doodiisa.
Shirjiraa’id oo fiidnimadii caawa ay Mucaaradka ku qabteen Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayay uga dhawaaqeen go’aankaan, ka gadaal markii maanta is rasaasayn ay dhex martay ciidamo ka kala tirsan mucaaradka iyo dowladda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku dhawaaqay banaanbaxaan ayaa yiri, “Maalinta Sabtida waxaan qabaneynaa Banaanbax, ka dhici doona Tarabuunka, Deyniile iyo Siinaay, maanta laga hadli maayo doorasho iyo Dastuur.”
Go’aankaan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii maanta uu baraha bulshada qabsaday muuqaal laga soo duubay ciidanka dowladda oo jirdil iyo garaac u gaysanaya Axmed Siido oo ka mid ah Odayaasha laga kiciyay dhulka Siinaay, oo ahaa dhul ay lahayd dowladda.
Muuqaalka jirdilka oo qabsaday Baraha Bulshada ayaa sababay in mucaaradka dowladda ay aadaan Saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda halkaas oo la sheegay in ay ku xiran yihiin dad laga soo qabtay Suuqa Siinaay.
Saldhiiga oo Shir jiraa’id ku qabtay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa warbaahinta u soo bandhigay askar la sheegay in ay jirdil u geysteen Axmed Siidow, kuwaas oo la horgeyn doona Maxkamadda.
Mucaaradka oo dhankooda sheegay in ay doonayaan in ay shirjiraa’id ku qabtaan Saldhiga Booliska ee degmada Warta Nabadda waxaa dhacday israsaaseen dhex martay ciidanka Booliska iyo kuwa mucaaradka.
Israsaaseenta oo socotay daqiiqado kooban ayaa sababtay qasaare isugu jira dhimasho, dhawaac, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday mid ka mid ciidamada gaarka ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, halka uu mid kale oo ka tirsan ciidankiisa uu ku dhaawacmay.
Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaarihii hore oo ka hadlay arintaan ayaa yiri, “Wiilka aniga gaariga ii saarnaa ayay ku dhufteen Saban, mid waa dhintay, midna waa dhaawac, Baraxadda Siinaay anaga oo gaariga saaran ayaa nala xabadeeyay.”
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadaan ayaa mucaaradka ku eedaysay in ay qaadanayaan mas’uuliyadda wixii ka dhashay .
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…