GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Warta Nabadda

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Bayaanka dowladda ayaa lagu sheegay in wixii khasaare ah oo ka dhashay dagaalka ay mas’uuliyadiisa qaadan doonaan xubnaha Mucaaradka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka”

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Mucaaradka in ay joojiyaan khalkhal gelinta amniga, iyadoo tilmaamtay in ay garab taagan tahay ilaalinta Sharciga.

Hoos ka akhriso qoraalka

 

Dhinaca kale, Xubnaha Mucaaradka ayaa la filayaa in ay shir jaraa’id ku qabtaan Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago