Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari kula kulmay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka qaybgalaya caleemosaarka madaxda sare ee Maamulkaas.
Xubnaha Wafdiga ayaa ka kooban Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Muumin Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ka socda Jabuuti ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay doorka uu ka qaadanayo ilaalinta Dalka si gaar ah midnimada iyo wadajirka, waxa ay la wadaageen fariin ay uga wadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa bogaadiyay Jamhuuriyadda Jabuuti oo xaalad weliba ku garab istaagtay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay taariikhda xusi doonno.
Jabuuti ayaa safka hore uga jirta dalalka ka dhiidhiyay faragelinta Soomaaliya ay ku samaysay Israa’iil, waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Dadka isla markaana la dhowro axdiyada Caalamiga ah ee heshiiska lagu yahay.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…