Banaadir

Maxay DFS ka tiri Safaaradda la sheegay inuu Qudus ka furan doono Maamulka Waqooyi Galbeed?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Israa’iil wado qorsheyaal daandaansi ah oo la aqbali karin, iyadoo cambaareysay tillaabada ay wax loogu yeeray Safaarad magaalada Qudus uga furanayaan Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay markasta sidii ay u ilaalin lahaayeen Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus, waa go’aan u muuqda daandaansi iyo xad gudub ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Magaalada Qudus oo ah goob taariikh ah oo sal u ah Khilaafka Israa’iil iyo Falastiin ayaa waxaa Safaarado ku leh oo u soo guuray dalalka Maraykanka, Guatemala, Kosovo, Honduras, Paraguay, Papua New Guinea, iyo Fiji.

Donald Trump ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay oo si iskiis ah Israa’iil caasimad ugu aqoonsada magaalada Qudus oo ay markii ugu horreysay dagaal ku qabsadeen 1967.

Dagaalkaasi ka dib, 1980 ayay Israa’iil si rasmi ah dhulkeeda ugu dartay Qudus oo ay deggan yihiin Shacabka reer Falastiin.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago