GUDAHA/wararka

Ururka Islaamka oo cambaareeyay Safaaradda uu Maamulka Waqooyi Galbeed ka furanayo Qudus

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu cambaareeyay go’aanka uu Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ku doonayo inuu safaarad uga furto Magaalada Qudus oo caasimadda rasmiga ah ee Falastiin.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tillaabadaasi tahay mid sharci darro ah oo baalmarsan Shuruucda Caalamiga ah iyo doonista xaqa shacabka reer Falastiin oo la dagaalamaya Israa’iil.

 “Go’aanka uu safaaradda ku furunayo Maamulka Waqooyi Galbeed waxaa ay xoojineysa sheegashada gumeystaha Israa’iil ee doonaya in ay qaataan dhulka Shacabka Falastiin, marna ma aqbaleyno wax kasta oo ka hor imaanaya Midnimada iyo Madaxbannaanida Falastiin” ayaa lagu bayaanka ka soo baxay  Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale, Ururka ayaa sheegay in aysan marna aqoonsan doonin tillaabada ay qaadayaan mas’uuliyiinta Maamulka Waqooyi Galbeed oo ka tirsan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Bayaanka ayaa waxaa lagu garab istaagay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo aan la aqbali doonin tillaabo kasta oo la xiriirta gooni u goosad.

Mustaqbal

 

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago