GUDAHA/wararka

Maamulka Puntland oo sheegay in ay Mareykanka kala hadleen ka faa’iideysiga Kheyraadka sida Shidaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe kala kulmay Wafdi sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Sii hayaha xilka Safiirka Mareykanka,  Justin Davis, iyadoo oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka AFRICOM, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Daacish ee ka socda Buuraha Caalmiskaad.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu yiri “Mareykanka waxaan kala hadalnay dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka”

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana uu ku soo aadaya xilli ay dhawaan ay Natiijo la’aan ku soo dhammaadeen Wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago