Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Kornayl Cismaan Dubbad Sugulle oo warqadda aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay danjire Cismaan isaga oo ku bogaadiyay in uu door fiican ka qaato howlaha loo igmaday ee la xiriira isku xirka Labada Jamhuuriyad sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Xafiiskiisa.
Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Kornayl Cismaan Dubbad Sugulle ayaa dhankiisa sheegay in uu ka shaqaynayo waajibaadka saaran ee hoostagaya xeendaabka safiirnimo sida xiriirka soo jireenka ah ee labada Dal.
Kornayl Cismaan Dubbad waxa uu leeyahay waaya-aragnimo ciidan isaga oo horay usoo noqday Taliyaha Ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kale Soomaaliya horay ugu soo booqday ciidamada Hiil-Walaal ee dalka ku sugan.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…