Wada hadallo ayaa u socda Dowladda Indonesia oo kaashaneysa Soomaaliya iyo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Afduubtay Markabka MT Honor 25 oo lagu hayo xeebaha dowlad goboleedka Puntland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Sugiono oo la hadlay Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan xaalada nololeed ee Badmaaxayaasha u dhashay dalkaasi oo tiradooda gaareyso afar ruux.
“Waxaan si toos ah ula xiriirnay Kooxaha Burcadbadeeda ee Afduubtay muwadiniinta u dhashay dalkeena, dhawaan waxaan fileynaa Natiijo wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Sugiono.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in wada hadallada ay qeyb ka yihiin Diblumaasiyiintooda ku sugan dalalka Kenya iyo Pakistan, kuwaasi oo wada dadaallada lagu sii deynaya Madmaaxiintaasi.
Markabka MT Honor 25 waxaa saaran 17 shaqaale ah: 4 Indooniisiyaan ah oo ku jiro Ashari, 11 Pakistaniyiin ah, 1 Sri Lankan ah iyo 1 Indian ah, waxaana la xaqiijiyay in la afduubtay 21 bishii April ee bishii hore.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…