Mareykanka oo sheegtay duqeyn ka dhacday duleedka Jamaame

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Duleedka Degmada Jamaame lagu dilay xubno ka mid ah Al-shabaab.

Weerarkan oo ay Mareykanka sheegeen in uu dhacay Isniintii shalay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab mid kalena ku dhaawaceen.

Qoraalka AFRICOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in khasaara shacab gaaray ay baaris ku sameynayaan haddiiba uu jiro.

Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku fuliyeen oggolaanshaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo taageeraya nabadda Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay AMISOM.

Weerarka ayey ku sheegeen in uu dhacay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay weerar kala kulmeen kuwa AL-shabaab,sidaasna jawaab ku bixiyeen Ciidanka Mareykanka ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarrada noocan ah uu sii wadi doono Mareykanka isaga oo kaashanaya AMISOM iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

2 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

21 hours ago