Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Lyon iyaga oo waliba jooga Etihad.
Kooxda Pep Guardiola ayaa la ciyaari doona kooxda reer Germany ee Hoffenheim kulanka 2-aad ee Group-ka iyaga oo isha ku haya in ay garaacaan koxoda reer Germany.
Hoffenheim ayaa dhankeeda ku dhawaatay in ay hesho 3-dii dhibcood ee kulankii hore iyada oo kooxda Shakhtar goolka bar-baraha ka dhalisay iyada oo ciyaarta 9 diqiiqo ka dhimantahay dhamaadkeeda.
Kulank: Hoffenheim Vs Man City
Tartan: Champions Leageu
Wakhtiga: 7:55 Fiidnimo
Garoonka: WIRSOL Rhein-Neckar-Arena
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee abid tartan Rasmi ah ee dhex mara kooxaha Hoffenheim iyo Manchester City.
Hoffenheim ayaa kaliya horay ula kulantay hal koox waxana ay ahayd kooxda Liverpool is reeb-reebkii champions League xilli ciyaareedkii hore waxana ay la kulantay guuldaro 6/3 ah labadii lugood.
Manchester City ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu dambeysay ee Champions League ay la ciyaaraan kooxda Jarmalka,tan iyo markii guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Bayern Munich bishii September 2014.
Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah ee taariikhda Champions League ee laga badiyo afar kulan oo isku xiga.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…