GUDAHA/wararka

Mareykanka oo raadinaya xogta iyo ilaha dhaqaalaha Daacish

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin lacageed oo gaareysa ilaa $10 milyan dollar ah oo la siin doono qofkii soo sheega macluumaad la xiriira dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Qorshahaan ayaa looga golleeyahay in looga hortago saameynta kooxda ee gobolka, oo loo arko in ay dhaqaale badan heysato.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Daacshista Soomaaliya tahay il dhaqaale oo weyn oo quudisa shabakadaha Ururkaasi.

Kooxdu ayaa adeegsata habab kala duwan oo ay ku hesho dakhli, sida ku qasbida dadka deegaanka, ganacsatada, iyo beeralayda inay bixiyaan canshuur, taasoo saameynaysa nolosha bulshada.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Daacish lacag ka hesho dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, tahriibka hubka, afduub iyo lacagaha madax-furashada.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa Daacishta Soomaaliya ku eedeyay in ay ku lug leeyihiin falal burcad-badeednimo iyo kalluumaysi sharci-darro ah.

Dowladda Mareykanka waxay ku baaqday in dadweynuhu soo sheegaan wixii macluumaad ah ee la xiriira howlaha Daacishta Soomaaliya.

Qofkii bixiya macluumaad qiimo leh waxaa la siin doonaa abaal-marin lacageed iyo fursado dib-u-dejin” sida lagu sheegay Warbixinta ka soo baxday Dowladda Mareykanka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago