Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Boqolaal shacab ah ayaa garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo loo galbiyay Madaxtooyadda Galmudug.
Waxaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka.
Kulamada ayaa lagu wadaa in looga hadlo dagaalka AS iyo sidii la isugu duba ridi lahaa howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale, waxaa qorshaha yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh xarriga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo mashaariic kale oo laga hirgalayay gudaha caasimadda.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…