GUDAHA/wararka

Diyaaraddii ugu horreysay oo ka degtay garoonka cusub ee Buurhakaba

Boqolaal shacab ah ayaa garoonka magaalada Buurhakaba ku soo dhaweeyay diyaaraddii ugu horreysay oo sida rakaab, taasi oo ka soo degtay Garoonka magaaladaasi.

Muddo dheer, Buurhakaba ma lahayn garoon diyaaradeed rasmi ah, waxaana dadka deegaanka iyo ganacsatadu ku qasbanaayeen inay adeegsan garoonka magaalada Baydhabo.

Hirgelinta garoonkan cusub ayaa Buurhakaba si toos ah ugu xirtay magaalooyinka kale ee dalka, taas oo fududeyneysa isu socodka, horumarinta ganacsiga iyo helidda adeegyada muhiimka ah.

Masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada rayidka ah ayaa ku tilmaamay furitaanka garoonka “tallaabo istiraatiiji ah oo dhiirrigelin doonta dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Baay”.

Garoonka cusub ee Buurhakaba ayaa la filayaa inuu kor u qaado isku xirka gobolka, isla markaana abuura fursado shaqo iyo ganacsi cusub oo ay bulshada si weyn uga faa’iideysan doonto.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago