Mareykanka oo faah faahiyay duqeyntii ay ka geysteen Mudug

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xubno badan oo ka mid ah AL-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday duleedka Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayuu ku sheegay in Ciidamada Al-shabab ay isugu tageen xero ciidan halkaas oo ay doonayeen in ay kaga ruqaansadaan dhinaca Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si ay ula dagaallamaan kooxaha la baxay Macaawisleyda ee dagaalka kula jira AL-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay VOA qeybteeda Ingiriiska in weerarkaas lagu dilay 117 qof oo ka mid ah Al-shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Jowle oo 20km u jirta Xarradheere,waxaana uu dhacay 12kii Bishan sida ku xusan qoraalka ka soo baxay Mareykanka.

Al-shabab ayaa 1dii Bishan duleedka degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku dilay Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii kuwaas oo ahaa hoggaamiyayaasha kooxda la baxday Macaawisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago