GUDAHA/wararka

Maraykanka oo joojiyay Xaaladda Ilaalinta kumeelgarka ah ee Dadka u dhashay Itoobiya

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay xaaladda ilaalinta kumeelgaarka ah ee Muwaadiniinta u dhashay Dalka Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay barta Xoghayaha Amniga gudaha ee Dalkaas.

Xoghaye Kristi Noem ayaa sheegtay in go’aankaan uu kusoo beegmay iyada oo waqtigii loogu talagalay xaaladdaan la gaaray, waxa ay meesha ka saartay in xaaladdaan ay ahayd mid waligeed jirayso iyada oo hadalkeeda kusoo koobtay in la gaaray muddadii loo qabtay.

“Xaaladaha Ilaalinta kumeelgaarka ah waa kuwo waqti ku eg, weligood looma samayn in ay noqdaan waddo loo maro deggenaansho rasmi ah, Xaaladda ka jirta Itoobiya ma aha mid khatar wayn ku ah badbaadada shakhsiyadeed ee muwaadiniinta dalkaas ee dib ugu laabanaya dalkooda” Sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadashay USCIS.

Tani waxa ay qayb ka tahay qorshaha ka dhanka ah Ajaanibta Maraykanka ku sugan muddada uu joogo Madaxweyne Donald Trump oo la sheego in uu yahay shakhsi si wayn u neceb soogalootiga isla markaana dib ugu celiya dalalkooda.

Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee aan sharciga Deggenaashiyaha Maraykanka haysan waxaa la siiyaa 60 Cisho oo ay uga bixi karaan Dalkaas, wxa ay Dowladda ka caawisaa in ay adeegsadaan dadkaas iskooda isaga tagaya tikidh diyaarad oo bilaash ah, gunno bixitaan oo dhan $1,000 iyo fursado Mustaqbalka ah oo ku saabsan socdaal sharci ah.

Qorshahaan waxa uu dhaqangalayaa 13ka Febaraayo 2026, marka la gaaro xiligaas waxaa ciidanka hay’adda socdaalka Maraykanka ee ICE la yiraahdo ku qasban yihiin in ay qabtaan muwaadiniintaas Itoobiyaanka ah una masaafuriyaan dalkooda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago