GUDAHA/wararka

Goobo kala duwan oo Maraykanka ah oo laga taagay Calanka Soomaaliya

Meelo kala duwan oo katirsan Dalka Maraykanka waxaa laga taagay Calanka Soomaaliya, Bulshada arrintaas samaysay ayaa diidan tallaabooyinka qalafsan ee Madaxweynahooda ku beegsanaya Soomaalida ku nool Dalkaas.

Goobaha Waxbarashada iyo kuwo kale ayaa lagu arkay Calanka Soomaaliya oo dhinac suran kan Maraykanka & kuwa Degmooyinka, waxaa lagu tilmaamay in Garab istaag loogu muujinayo Bulshada Soomaalida ah ee culayska uu ku hayo Donald Trump.

Dadka u dhashay Maraykanka ayaa intooda badan diidan siyaasadda Trump ee ka dhanka ah Soomaalida maadaama ay ku sifeeyeen Soomaalidu in ay yihiin Bulsho wax badan kusoo kordhisay Gobolka Minnesota oo ay u badan yihiin.

Donald Trump ayaa nacaybka uu u muujiyay Soomaalida waxa uu gaarsiiyay heer uu ka dhex raadiyo Ciyaartoyda Xulka Dalkaas sida ka muuqata muuqaal kooban oo ku faafay Baraha Bulshada, tani waxa ay dhalisay taageerro badan oo Dadka Soomaaliyeed ay helaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago