GUDAHA/wararka

Maraykanka oo Golaha Ammaanka kahor istaagay go’aanka Xabad-joojinta Gaza

Maraykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kahor istaagay qaraarka lagu dhaqangelinayo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza kaddib markii 14 xubnood ay isku raaceen qaraarkaas balse Washington ay adeegsatay awoodda Diidmada qayaxan.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada dalkeeda ee soo afjaridda colaadda Gaza iyada oo meesha laga saarayo xaaladaha adag ay wajahayaan Dadka rayidka ah ee Israa’iil duqaymaya ku beegsanayaan.

Maraykanka oo faah-faahin ka bixiyay go’aanka diidmada ee qaraarka Golaha Ammaanka waxa uu sheegay in Goluhu aan caddayn in ay ‘Israa’iil xaq u leedahay is difaacid iyo in aan la cambaarayn tallaabooyinka Xamaas’ sida hadalka loo dhigay.

Dalal badan ayaa soo jeedinta Maraykanka ee labadaas qodob ku tilmaamay kuwa muujinaya fashilka siyaasadeed ee Israa’iil oo xadgudub ka gaysatay Bariga Dhexe, waxa ay intaas ku dareen in aan la daawan Karin waxa ka socda Gaza.

Safiirka Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaza ay nabad iyo cuntaba ku waayeen diidmada Maraykanka oo iska dhigaya in uu dhexdhexaad ka yahay xaaladda ka taagan Magaaladaas.

Soomaaliya oo kamid ah 15ka Dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horay u caddaysay codkeeda, waxa ay si aan ka gambasho lahayn u sheegtay in ay dhinac taagan tahay reer Gaza una baahan yihiin nabad, gargaar bani aadamnimo & xasilooni waarta.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago