GUDAHA/wararka

Deni oo qaadaya tallaabooyin uu u arko in uu ku gaari karo damiciisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoogga saaraya qorshaha uu ku saldhigayo musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen ilo ku dhow.

Saciid Deni ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Wasiirradiisa si ay ugu yaraan u helaan qorshe waara oo uu ku gaari karo hamiga uu ka leeyahay in uu qayb ka noqdo tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu xoogga saarayaa la kulanka wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka si loo helo dhabbihii lagu gaari lahaa heshiis isu soo dhaweynaya masaafada ay kala joogaan Dowladda Federaalka maadaama ololihiisa iyo arrintaan ay isku xiran yihiin.

Deni ayaa Madaxda Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir dhow kala dhaxeeya kala kaashanaya arrintaan sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, waxa uu ku dhaqaaqi doonnaa natiijo weliba oo uga soo baxda tallaabooyinka hordhaca ah uu qaadayo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa u xusul-duubaya in Xildhibaannada Baarlamaanka 12aad ee xiga kan haatan jooga dib loogu celiyo dib usoo xulashada Dowlad-Goboleedyada si uu halkaas uga helo awood uu ku xulan karo xubnaha uu rabo.

Haddii uu waayo qorshahaas isla markaana ay dhacdo si ka duwan doorashadii 2022 ee xulista Baarlamaanka waxa uu ka fakirayaa qorshihii uu samayn lahaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyada kala duwan ee la socda dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Siciid Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu ku howlan yahay shir uu isugu keenayo xubnaha mucaaradka ah ee siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowladda Federaalka si uu halkaas uga dhex helo isbahaysi siyaasadeed uu ku gaari karo hamigiisa ah xilka Madaxweynaha JFS.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago